Sunday, June 2, 2013

Dadka iyo baabuurta magaalada

Markaad aragto dadka ku nol Hargeysa maanta, waxad isweydin su'aalo isku dhafan. 

1. Ma dad cusub baa?
2. Kuwii hore yaa ka jooga?
3. Ma dhalinyaro ayey u badan yihiin?
4. Ma dumarkaa ragga ka badan?


Markaad eegto baabuurt, waxad is weydinaysaa:

1. Miyey soo bateen?
2. Ma xawli bay ku kordhayaan?
3. Ma baabuur xaraash ah baa dalka lagu soo daabulaa?

Markaad u firsato darawaliinta, waxad isweydiinaysaa:

1. Liisan ma haystaan mase yaqaannaan?
2. Xaggay ku degdegayaan?
3. Xeer waddooyin oo ay raacaan ma yaqaannaan?
4. Mid waliba ma isagaa ka kale ka leh dariiq marista?
5. Waddooyinku ma u kala socan yihiin.

Markaad waddoyinka dhugato, waxad isweydiinaysaa:

1. Waddada Madaxtooyada hor martaa ma ta keliya ee la maraa?
2. Dadka waddoooyinka xaafadaha ka dhistay, kuwa kale ee ummadda u dhexeeya ma caaawin karaan dayactirkooda?
3. Qorshe dawladeed oo waddooyinka lagu maamulaa ma jiraa?
4. Dawladda hoose ee waddooyinka qaabilsna iyo dawladda dhexe, sidee bay uga wada shaqeeyaan?


No comments:

Post a Comment